fredag, april 26, 2024

R.W Solberg oo iska fogeysay hadal kasoo yeeray wasiirkeeda maaliyada.

Wasiiradda Maaliyada Norway, Siv Jensen, oo sidoo kale ah gudoomiyaha xisbiga Frp, ayaa sheegtay in hadii la aqbalo in gacanta aysan raggu iyo dumarku iska salaamin, ay ka dhigantahay in si tartiib ah Islaamka loo aqbalay.

Siv Jensen ayaa Mar kale adeegsatay ereyga «Snikislamisering» oo micno ahaan u dhow tartiib ku islaameyn, kaas oo ah mid horey loogu qabsaday, doodna ay uga dhalatay.

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa dhankeeda iska fogeysay hadalkaas kasoo yeeray wasiiraddeeda maaliyada, waxeyna sheegtay in arrinta ay Siv Jensen sheegtay aysan aheyn mid kajirto bulshada Norway.

Erna ayaa sheegtay inay muhiim tahay in dadku isku ixtiraamaan goobaha shaqada iyo bulshada kaleba, loona dhaqmo si munaasab ah. Waxeyna ka fogaatay inay toos uga hadasho arrintan dooda dhalisay in gacan iska salaamista ragga iyo dumarka.

Reysulwasaare Solberg ayaa sii raacisay in hadalka Siv Jensen uusan ka turjumeynin siyaasada xukuumada ay hogaamiso.

Xigasho/kilde: Erna Solberg tar avstand fra uttalelsene til Siv Jensen og Sylvi Listhaug

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x