R.W Solberg oo rabta in lacagta ceyrta laga joojiyo soo galootiga aan luuqada baran.

0
114

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg ayaa wareysi ay siisay wargeyska VG ku sheegtay in dowladeedu ay baarlamaanka u gudbisay hindise sharciyeed dowlada u ogolaanaya in dadka soo galootiga ah ee aan baran luuqada Norwiijiga laga jari karo lacagta kaalmada ceyrta.

Solberg ayaa wareysigeeda ku sheegtay in luuqadu ay tahay furaha suuqa shaqada iyo bulshada Norway, aysana sii socon karin in soo galootigu ay sanado badan qaataan lacagta ceyrta, iyaga oo sabab ka dhigaya inay shaqo ku waayeen aqoonta luuqadooda oo yar darteed.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(diix sawirka ama qoraalkan)

Waxeyna sheegtay in dowladeedu ay rabto in arintaas wax laga badalo, sidaas darteed ay baarlamaanka u gudbiyeen soo jeedin ku saabsan in xeerarka dowlada wax laga badalo.

Qoxootiga ka yar 30-ka sano:

Reysulwasaare Solberg ayaa sheegtay inay rabto in xeerarka dowlada isbadal lagu sameeyo, si dadka dhameystay barnaamijka introduksjon-ka, balse aan baran aqoon luuqadeed oo ku filan,, lagu qasbo inay iskuul luuqada ah sii aadaan, si u helaan lacagta ceyrta.

Kuwa aan luuqada sii barana, laga gooyo lacagta ceyrta ah ee kaalmada ah.

Waxeyna sii sheegtay in isbadalka ay rabto in marka hore lagu bilaabo soo galootiga iyo qoxootiga ka yar 30-ka sano, kadibna loo sii gudbiyo guruubyada kale. Iyada oo raacisay in mar walba ay muhiim tahay in xaalada qofka si gaar ah loo qiimeeyo.

Xigasho/kilde: Solberg vil ta sosialstønad fra innvandrere som ikke lærer seg norsk.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments