Dowlada oo ugu danbeyn sheegtay inay diyaarin doonto qorshe ka dhan islaam naceybka.

0
106
Foto: Faksmille NRK

Afar Wasiir oo katirsan xukuumada Erna Solberg ayaa galabta shir jaraa´id oo ay qabteen ku sheegay in dowladu ay diyaarin doonto qorshaha ka hortaga islaam naceybka.

Wasiirada galabta soo bandhigay qorshaha ka hortaga islaam naceybka, ayaa ka socday afarta xisbi ee wadaaga ku ah xukuumada. Taas oo muujineyso in afarta xisbi ee dowladu ay qorshahaas ku mideysanyihiin.

Trine Skei Grande oo ah wasiirka dhaqanka, ahna gudoomiyaha xisbiga Venstre ayaa sheegtay in baaritaano la sameeyay in muujinayaan in islaam naceybku uu kor u kacay Norway, isla markaana la joogo xiligii arintaas wax laga qaban lahaa.

Wasiirka waxbarashada ayaa dhankiisa sheegay in ka hor taga islaam naceybka laga soo bilaabo iskuulka. Isaga oo sheegay inay muhiim tahay in kor loo qaado aqoonta bulshada ee islaamka, si looga hortago naceybka ka dhanka ah bulshada muslimiinta ah.

In sharciyo loo helo islaam naceybka ama la sameeyo qorshe ka dhan ah ayaa ahaa mid aad loo hadalhayay, tan iyo markii uu dhacay weerarka masaajidk Al Noor ee masaajidka Bærum.

Dalada ururada Islaamiga ah ee Norway, Ururada ka shaqeeyo ka hortaga cunsuriyada iyo qaar kamid ah xisbiyada siyaasada, ayaa mudo raadinayay in la sameeyo sharciyo ka dhan islaamka.

Xigasho/kilde: Regjeringen lager egen handlingsplan mot muslimhets

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments