Booliska Texas oo raalligalin ka bixiyay sawirkan dhaliyay dooda iyo dareenka aan fiicneyn.

0
1544
Texas: Sawirka carada dhaliyay

Taliska ciidanka booliska ee gobolka Texas ayaa raalligalin bixiyay, ka dib markii la shaaciyay sawir muujinaya 2 askari oo caddaan ah oo iyagoo fardo saaran xarig ku hoggaaminaya nin madow ah oo jeebeysan.

Dhacdadan ayaa caro weyn ka abuurtay baraha xiriirka bulshada iyo bogagga internet-ka.

Taliyaha booliska magaalada Galveston Vernon Hale ayaa Isniintii sheegay in arrinta dhacday ay tahay wax aan la aqbali karin, balse «ciidanku ay go’aan aan habbooneyn qaateen xilligaas».

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Sarkaalkan ayaa sheegay in dhacdadaas «aan loola jeedin fal wuxuushnimo ah», isla markaana uu baddalay dhammaan askartii aaggaas ka howlgaleysay, si looga hortago inuu falkaas dib usoo laabto.

Dad badan oo isticmaala baraha xiriirka bulshada ayaa sheegay in sawirkaas uu dib u xusuusinayo nidaamkii addoonsiga ee waa hore jiray.

War saxaafadeed ay soo saareen madaxda ciidanka booliska ee magaalada Galveston ayaa lagu sheegay in labada askari oo lagu kala magacaabo P Brosch iyo A Smith ay Donald Neely u xireen fal dambiyeed uu sameeyay.

Mr Neely ayaa loo kaxeeyay xarun ay leeyihiin booliska.

Saraakiisha ayaa caddeeyay in xariga lagu hoggaaminayay uusan gacmaha uga xirneyn «balse uu ku xiriirsanaa jeebbada birta ah ee gacmaha looga qufulay».

Bayaanka ayaa intaas ku daray : «Waan fahansan nahay wajiga xun ee dhacdadan laga arkayay waxaana aaminsan nahay in tallaabada aan qaadnay ay tahay sida ugu habboon ee falka noocaas ah loo cirib tiri karo».

«Ugu horreyn waa inaan Neely ka raalligaliyo falka ceebta ah ee lagula kacay», ayuu Mr Hale ku yiri bayaankiisa.

Wuxuu sidoo kale garwaaqsaday in askarta looga baahnaa «inay sugaan gaadiid ay eedeysanaha uga kaxeeyaan goobtii lagu xiray». 

«Waxaan si deg deg ah u baddalnay nidaamka, si aan uga hortagno ficillada noocan ah, dib ayaana u eegi doonnaa habka tababarka iyo shaqadaba», ayuu yiri taliyaha. 

Mr Neely ayaa hadda bannaanka ku jooga damiin balse suurtagal ma aha in wareysi lala yeesho, sida uu tabiyay wargeyska Houston Chronicle.

Leon Phillips, oo ah agaasimaha waaxda caddaaladda ee ismaamulka Galveston, ayaa BBC-da u sheegay in sawirka ku faafay baraha bulshada uu qaaday qof shacab ah oo ka gaabsaday in la magacaabo. 

Mr Phillips ayaa sheegay «inay adagtahay in laga hadlo dhacdadaas», ayna tahay wax laga yaxyaxo. 

«Kani wuxuu ahaa khalad nacasnimo ah», ayuu yiri, wuxuuna intaas ku daray: «Waxa aan ogahay waa in haddii uu ninkaas caddaan ahaan lahaa aysan sidaas ula dhaqmi lahayn». 

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments