Dowlada: Qofkii khatar ku ah amniga qaranka, maxkamad la´aan ayaa laga qaadi karaa baasaboorka Norway.

0
107
Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka Norway: Jan Tore Sanner Foto: Wikipedia

Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaarada isdhexgalka Norway, waxaa hey´addaha soo galootiga ee UNE iyo UDI lagu wargaliyay amaro cusub oo la xiriira kiisaska kala noqoshada baasaboorka Norway.

Wasaarada ayaa hey´addaha soo galootiga ku wargalisay in qofka laga celin karo baasaboorka Norway, hadii ay jirto sabab la fahmi karo oo khatar ku ah amniga qaranka Norway.

Amarkan cusub ayaa baalmaraya go´aankii baarlamaanka ee ahaa in qofku ay maxkamad oo kali ah ay ka qaadan karto dhalashada Norway.

Kala xiriir: 45970350 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Dowlada ayaa hey´addaha UNE iyo UDI ku wargalisay in kiisaska la xiriira amniga qaranka ay usoo gudbiyaan wasaarada, wasaaraduna ay soo saari doonto go´aamo ku saabsan qaabka kiisaskaas looga shaqeynayo.

Arintan ayaa soo baxday kadib markii nin ku eedeysan fal argagaxisnimo uu sanadkii 2016 helay dhalashada Norway, iyada oo xiligaas ay ku socotay baaritaanka la xiriirka falkaas.

UDI-da oo la kulantay canaan adag oo la xiriira siinta ninkaas ee baasaboorka Norway. ayaa sheegtay inaysan ogeyn falka baaritaanka ah ee ninkaas ku socday, warbixina aysan ka helin hey´addaha sida PST-da.

Maxkamad kutaal dalka Italy ayaa ninkaas u xukuntay falka argagaxisda ah, waxaana la filayaa inay soo dalbadaan in ninkaas loo soo gacan geliyo.

Norway Ayaan awoodin inay minkaas u dhiibaan dowlada Talyaaniga maadaama uu heysto dhalashada Norway, waana sababta kiiskiisa galisay muranka weyn ee maalmahan ka socday warbaahinta.

Xigasho/kilde: Kunnskapsdepartementet kan tilbakekalle statsborgerskap

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments