Wiil soomaali ah oo u geeriyooday, dhaawac kasoo gaaray «hafashada» dabaasha.

0
182

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay madaxa booliska deegaanka Svolvær, waxaa geeriyooday wiil dhalinyaro ah oo labadii isbuuc ee ugu danbeeyay yaalay isbitaalka, kadib markii uu ku dhaawacmay hafashada dabaasha biyaha bada.

Wiilkan oo boolisku aysan xaqiijin da’diisa ayaa 7-dii bishan Juni ku haftay biyaha, isaga oo xiligaas la dabaalanayay labo dhalinyaro saaxiibadiis ah, sida ay boolisku sheegeen. Waxaana soo gaaray dhaawac halis, kaas oo ugu danbeyn sababay inuu geeriyoodo.

Booliska ayaa warbixintii koowaad oo ay dhacdadan kasoo saareen sheegay in wiilka uu biyaha hoostooda yaalay mudo saacad ah, kahor inta aan laga saarin.

Sida ay noo xaqiijiyeen qoyska wiilkan geeriyooday, ayaa ah wiil soomaali ah. Hadii ay noo suurtogasho, waxaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa wareysi aan la yeelan doono walaalka wiilka geeriyooday oo raba inuu waalidiinta soomaalida ah uga talo bixiyo, khatarta dabaasha uga imaan karta dhalinyarada soomaalida ah, xiligan fasaxa ah ee hada lagu jiro.

Wiilkan geeriyooday ayaa inta la ogyahay noqonaya wiilkii labaad ee soomaali ah ee xagaagan u geeriyoodo hafasho dabaal. Isbuucii hore, waxaa magaalada Oslo lagu aasay wiil 15 sano jir soomaali ah oo ku haftay dabaasha biyaha bada.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments