Warbixin: Dadka qaata kaalmada kirada guryaha(bostøtte), niyad uma hayaan inay shaqo helaan.

0
149

Dadka qaata kaalmada dhaqaale ee dowladu ay ku kabto kirada guryaha, ayaan niyad u heynin, inay shaqo helaan. Waxaa sidaas lagu sheegay natiijada warbixin laga sameeyay qoysaska danyarta ah ee qaata kaalmada kirada/ijaarka guryaha.

Daraadan ayaa lagu sheegay in hadii qof ay dowladu ka kabto kirada guriga uu deganyahay, uu helo shaqo kor u qaado dakhliga soo gala, ay dowladu ka goosato kaalmada kabka guryaha(bostøtte). Taas oo qofka ku qasabto inuusan niyadba u helin Shaqo raadin, maadaama dhakhliga soo gala marka uusan shaqada heysan, uu lamid noqonayo midka soo gali doono, hadii uu shaqeeyo.

Mid kamid ah Haweenka daraasadan lagu wareystay ayaa sheegtay in loo diiday kaalmada kabka kirada guryaha, iyada oo lagu sababeeyay in dakhliga sanadka soo galo uu ka badanyahay 244.000.

Haweeneydan ayaa sheegtay in shaqada ay bishii kasoo gasho 24.000, marka laga jaro canshuurta. Kirada guriga ay degantahayna uu yahay 17.000. Waxeyna sheegtay in lacagta soo gasho marka ay NAV ku xirantahay, ay ka badantahay, lacagta soo gasho marka ay shaqeysato.

Arintaas ayaa lagu sheegay in ay tahay mid aan hooyooyinka saboolka ah ku dhiirigalineyn inay Shaqo raadiyaan, maadaama dhaqaalahooda uusan wax ween iska badaleynin, hadii ay Shaqo helaan.

Dowlada ayaa daraasadan loogu soo jeediyay in hadii dakhliga soo gala qoyska, uu kordha, aan qofka laga marin kaalmada kirada guryaha, si loogu dhiirigaliyo inuu shaqeysto.

Xigasho/kilde: Klassekampen/: Taper på å Arbeide: Kommunale bostøttemottakere straffes økonomisk dersom de får økt inntekt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments