Fal celin xoogan oo laga muujiyay isbadalka xeerka sawirka baasaboorka Norwiijiga.

0
90

Dowlada Norway ayaa bishii Maarso baarlamaanka u gudbisay hindise sharciyeed cusub oo ay rabto in wax looga badalo xeerka baasaboorka Norway iyo kaarka aqoonsiga(Forslag til ny forskrift om pass og nasjonalt ID-kort).

Isbadalka cusub oo dowladu rabto ayaa waxaa kamid ah in dhagaha qofka ay ka muuqdaan sawirka qofka ee lagu dhajinayo baasaboorka.

Waxaana arintaas fal celin xoogan ka muujiyay ururada diimaha oo sheegay inay isbadalka cusub uu gaf ku yahay xoriyada diinta ee qofka . Iyaga oo sheegay in arintaas ay meel uga dhaceyso u madam banaaninda dhar xirashada diimaha ee dadka aaminsan diimaha qaarkood.

Dowlada ayaa sheegtay in dhagaha qofka ay qeyb muhiim ah ka yihiin aqoonsiga qofka, sidaas darteed ay muhiim tahay in la muujiyo marka qofka laga qaadayo sawirka ku dhagan baasaboorka.

Balse waxaa arintaas ka biyo diidsan ururada diimaha, gaar ahaan kawa moslimka oo sheegay in haweenka muslimka ah ay arintaas ku noqon karto culeys. Maadaama ay xirtaan xijaabka oo aan qarinayo dhamaan jirkooda, wajiga ma ahaane.

Isbadalka cusub ee dowladu rabto, ayaa waxaa laga bixiyay 842 jaweeb celinood. Kahor inta aan la dhaafin xiliga kama dambeysta ah ee jawaab celin laga bixin karay.

Xigasho/kilde: Passregel bryter med religionsfriheten

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments