Darawal soomaali: 7 sano ayaan Norway joogaa, walina degenaansho ma helin.

0
183

Waxaa shaley soo baxday natiijada cilmibaaris lagu sameeyay qaabka ay siayasada qoxootiga dowladu, saameyn ugu leedahay arimaha isdhexgalka qoxootiga wadanka ku cusub.

Natiijada cilmibaarista ayaa lagu sheegay in siyaasada dowlada, ee ku wajahan qoxootiga, ay dhaawac u geysaneyso kamid noqoshada qofka ee bulshada, sanadaha koowaad.

Waxeyna cilmibaaristu tusaale usoo qaadatay 1600 qoxooti soomaali ah, kuwaas oo UDI-du ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto baahidooda magangalyo.

Dadkan ayaa sanado jawaabta ka sugayo dowlada, iyaga oo aan garan karin jawaabta ay heli doonaan.

Mid kamid ah dadkaas oo la hadlay Raadiyaha NRK, ayaa sheegay inuu 7 sano Norway ku sugnaa, walina uusan helin jawaabta degenaanshaha.

Ninkan soomaaliga ah ee NRK la hadlay, ayaa ku shaqeeyo darawalnimo buss, isaga oo sheegay in arintaas ay caqabad weyn ku tahay noloshiisa maalinlaha ah ee Norway. Waxa ugu darana ay tahay jawaab la´aanta kaga imaaneyso dhanka dowlada.

Khubarada sameeyay cilmibaarista, ayaa sheegay in guruubkan ay yihiin kuwu u nugul inay bulshada ka dhacaan. Maadaama aysan ogeyn waxa ay fishaan. Waxeyna dowlada ugu baaqeen in sanado dahabi ah dadka laga qasaariyay, oo ay aheyd inay bulshada si fiican xiligan ula qabsadaan.

UDI-da oo cilmibaarista dalbatay, ayaa sheegtay inay la socdaan arintan, iyo saameyn ay ku leedahay dadka ay khuseyso. Balse waxay mar kale ku celiyeen in kiisaskan ay yihiin kuwo adag, oo u baahan xili dheer oo go´aan looga gaaro.

Xigasho/kilde: NRK-RADIO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments