Copenhagen: Labo wiil soomaali ah oo Denmark lagu dilay.

0
95

Sida ay xaqiijiyeen booliska magaalada København, waxaa xaley fiidkii duleedka magaaladaas lagu dilay labo nin, kuwaas oo heystay dhalashada dalka Sweden.

Booliska ayaa sheegay in mid kamid ah ragga la dilay uu goobta ku dhintay, halka kan kalena uu ku geeriyooday isbitaalka oo loo qaaday isaga oo dhaawac.

Riis sawirka Ama wac telefoonka kor ku xusan, si Aad u hesho macluumaad dheeri ah.

Waxeyna boolisku sheegeen in falkan dilka loo adeegsaday biskoolado iyo qoriga tooska u Dhaca( automat).

Booliska ayaa sheegay ineysan wali qof u xirin falkan dilka ah. Waxeyna raaciyeen in ilaa hada ay wareysteen qof ka agdhawaa goobta uu falkan ka dhacay, kaas oo laga soo qabtay gudaha magaalada Copenhagen.

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen ilo wareedyo soomaali ah oo degan magaalooyinka Malmø iyo Copenhagen, labada wiil ee la dilay ayaa asal ahaan soomaali ah. Waxeyna heystaan dhalashada dalka Sweden.

Dilalka loo geysto ama ay isku geystaan dhalinyarada soomaalida ah ee Sweden kunool, ayaa aad usoo badanaya dhowrkii sano ee ugu danbeeyay.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments