Agaasimaha hey´adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo Norway yimid

0
133
Foto: SNTV-Norway

Agaasimaha hey´adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya, Maxamed Aden Koofi ayaa sida aan ka xaqiiqsanay dad xog ugaal ah, maalmahan ku sugnaa magaalada Oslo.

Koofi ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay safaro joogto ah sanad walba ku imaanayay Norway, wuxaana mararka qaar socdaalkiisa ku wehelinayay shaqaale katirsan hey´adda socdaalka. Kuwaas oo tababaro kala duwan ku qaadanayay Norway.

Sidoo kale shaqaale katirsan UDI-da Norway, ayaa sanad kahor soccdaal ku tagay magaalada Muqdisho, waxeyna sheegeen inay tababar siinayaan shaqaalaha hey´adda socdaalka Soomaaliya. Sidoo kalena ay hubinayaan qaabka ay dowlada Soomaaliya u bixiso baasaboorka Soomaaliga ah, iyo hanaanka loo maro.

Norway ayaa sanad kahor sheegtay inay aqoonsatay baasaboorka soomaaliga ah, iyada oo qaar kamid ah soomaalida Norway ku amartay inay doontaan baasaboorka soomaaliga ah. Gaar ahaan dadka raba inay codsadaan sharciga dhalashada Norway, ama kuwa heysta magangalyada bini-aadantinimada(baasaboorka buluuga).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments