Afgaanistaan oo diiday inay qaabisho dhalinyaro Norway laga tarxiilay.

0
115
Safiirka Afgaanistaan ee Norway:Shukria Barakzai

Dowlada dalka Afgaanistaan ayaa diiday inay qaabisho sadex dhalinyaro walaalo ah, kuwaas oo Norway laga tarxiilay. Qoyskan oo warbaahinta Norway loogu yeero «Abbasi-Familien» ayaa sheekadoodu aheyd mid maalmahan aad looga hadalhayay warbaahinta Norway iyo baraha bulshada.

Afgaanistaan oo caadi ahaan kamid ah wadamada qaabila qoxootiga Norway laga tarxiilo, ayaa markan diiday inay qaabilaan sadexdan dhalinyarada ah ee walaalaha ah.

Dowlada Afgaanistaan ayaa go´aankeeda ku micneysay in curuurta aysan la socon hooyadood oo laga reebay, sidaas darteed aysan ogolaan karin inay qaabilaan caruur hooyadood aysan la socon.

Booliska Norway ayaa warbaahinta u sheegay inay markii hore Afgaanistaan ku wargaliyeen qorshaha tarxiilka qoyskan, balse aysan helin wax jawaab ah, kahor inta aan sadexda walaalaha ah iyo hooyadood Norway diyaarad laga saarin.

Qoyskan ayaa ka kooban saddex walaalo ah oo kala jira 16, 20 iyo 22 sano iyo hooyadood. Waxeyna boolisku booliisku maalintii sabtida aheyd ee lasoo dhaafay, laga qabtay Norway, si dib loogu celiyo Afganistaan. Balse talaadada ayaa dib loogu soo celiyay Norway, kadib markii ay Afghanistan diido inay qaabisho.

Waxaana isku deyga tarxiilkooda ku baxay lacag dhan sadex milyan oo lacagta Norway ah: Halkan kasii akhri

Norway ayaa ah dalka qoxootiga ugu badan u tarxiila Afghanistan, waxeyna sadexdii sano ee lasoo dhaafay ay Norway Afghanistan u tarxiishay qoxooti dhan 963 qof.

Safiirka Afgaanistaan ee Norway, Shukria Barakzai ayaa codsatay in xiligan ay Norway joojiso qoxootiga loo tarxiilayo Afgaanistaan. Iyada oo Afgaanistaan ku tilmaanay wadan aysan ka Jirin xasilooni.

Xigasho/Kilde: Ambassadøren skeptisk til at 16-åring ble forsøkt tvangssendt til Afghanistan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments