Wasiiro ka socdo dowladaha Norway iyo Somalia oo Oslo ku kulmay.

0
230
Foto: Norway MFA

Labadii maalmood ee ugu danbeeyay,waxaa magaalada Oslo ka socday shirweynaha ka hortaga danbiyada la xiriiriga jinsiga, kaas oo sanadkan ay marti galintiisa laheyd Norway.

Waxaana shirkan kasoo qeybgalay madax ka socoto dowlado badan oo caalamka ah, ayna kamid tahay wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka dowlada Soomaaliya, Deeqa Yaasiin.

Shirka Oslo

Sida lagu xusay qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda Norway, wasiirad Deeqa ayaa kulan la yeelatay wasiirka Deeqaha dowlada Norway, Dag Inge Ulstein.

Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Norway, Wasiirad Deeqa ayaa wasiir Ulstein la wadaagtay horumarka laga gaaray dhinaca ilaalinta xuquuqda dumarka ee Soomaaliya. Gaar ahaan axdiga qaranka haweenka soomaaliyeed oo ah mid dhawaan lasoo saaray.

Iyada oo wasiir Ulstein uu amaanay horumarka Soomaaliya ee arintan, uuna ku dhiirigaliyay in lasii wado, Norweyna ay Soomaaliya ka taageeri doonto arintaas.

Soomaaliya ayaa sanadkan kamid aheyd wadamada soo qaban-qaabiyay shirka ilaalinta xuquuqda dumarka, iyo kahortaga danbiyada la xiriira jinsiga.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments