R.W Denmark oo ku dhawaaqay xiliga doorashada baarlamaanka dallkaas ay dhaceyso.

0
177
Reysulwasaaraha Denmark: Lars Løkke Rasmussen

Dhowrkii isbuuc ee ugu danbeeyay waxaa aad loogu dhag-taagayay xiliga ay dhici doonto doorashada dalka Denmark oo sanadkan si aad ah loo wada sugayo.

Reysulwasaaraha Denmark Løkke Rasmussens ayaa ugu danbeyn ku dhawaaqay in shanta bisha Juni ee sanadkan, ay dhici doonto doorashada dalka Denmark. Waxaana xiligaas naga xiga wax ka yar afar isbuuc oo kali ah.

Løkke oo reysulwasaare dalka Denmark ka ahaa tan iyo sanadkii 2015, ayaa sanadkan qarka u saaran inuu lumiyo kursiga reysulwasaarinimada. Iyada oo xisbiyada mucaaradka ee bidixda ay aad ugu horeeyaan codadka saadaasha ah ee laga dhiibtay doorashada.

Xisbiga garabka midig ee DF ee taageerada dowlada siin jiray xisbiga reysulwasaare Løkke ayaa isna lumiyay codad aad u badan, marka laga qiyaas qaato saadaasha hordhaca ah.

Xigasho/kild: Nettavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments