Norway: Baasaboorka soomaaliga ah waan aqoonsanay, laakiin macluumaadka qofka ee ku qoran kuma kalsoonin.

0
101
Sawirka: Kulankii ay Norway ku iclaamisay inay aqoonsatay baasaboorka soomaaliga.

Dowlada Norway ayaa bartamaha bishii July ee sanadkii 2018 sheegtay inay si rasmi ah u aqoonsatay baasaboorka soomaaliga ah. Kadib wada shaqeyn iyo xiriir toos ah oo dhexmaray hey´addaha socdaalka dowladaha Norway iyo Soomaaliya.

Kulan ka dhacay safaarada Norway ee Nairobi ayaa looga dhawaaqay aritan, waxaana kulankaas goobjoob ka ahaa safiirka Norway ee Soomaaliya ee xiligaas, Victor Rønnberg iyo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad. Sidoo kale waxaa kulankaas joogay madaxa hey´adda socdaalka Soomaaliya, Maxamed Aden Koofi iyo madax katirsan hey´adda socdaalka Norway.

UDI: Kuma kalsoonin macluumaadka qofka ee ku qoran baasaboorka soomaaliga!!

Norway ayaa sanadkii tagay dadka soomaalida ah ee Norway ku dhaqan ee raba inay qaataan jinsiyada Norway ku amartay inay keensadaan baasaboor soomaali ah, kahor inta aysan soo xareyn codsiga dhalashada Norway. Sidoo kale dadka heysta sharciyada yar-yar ee bini-aadantinimada(baasaboorka buluuga), ayaa iyagana ay Norway ku wargalisay inay doontaan baasaboor soomaali ah, maadaama aan mar kale loo cosbooneysiin doonin baasaboorka bini-aadantinimada ee buluuga ah.

Hey´adda socdaalka Norway ayaa isbuucii hore kulan la qaadatay soomaalida Norway. Waxaana kulankaas su´aalo badan lagu weydiiyay shaqaale katirsan hey´adda socdaalka. Su´aalaha ugu badan ee kulanka ayaa ku saabsanaa arimo khuseeyo baasaboorka soomaaliga ah.

Dad badan oo markii lagu wargaliyay inay doontaan baasaboorka soomaaliga ah, ayaa markii ay keensadeen hadana loo sheegay in baasaboorka soomaaliga ah uusan aheyn cadeyn buuxdo ama ku filan oo xaqiijinta aqoonsiga qofka soomaaliga ah.

Arintan ayaa dhalisay in su´aalo badan lasii weydiiyo shaqaalaha UDI-da ee kulanka joogay, waxaana layaab dad badan ku noqotay in UDI-du aysan aaminsaneyn in baasaboorka soomaaliga ah uu yahay cadeyn buuxdo oo xaqiijin karta aqoonsiga shaqsiyeed qofka soomaaliga ah.

Waxeyna sheegeen in dabagal iyo hubin fiican aan lagu sameyn jiritaanka ama sax ahaanta macluumaadka qofka soomaaliga ah, marka la siinayo baasaboorka laga bixiyo safaaradaha soomaalida. Laakiin baasaboorka soomaaliga ah loogu qoro waxa uu isagu markaas afkiisa ka sheegto, ama laga minguuriyo baasaboorka(waraaqaha socdaalka) dalalka kale ee uu wato.

su´aalood in ka badan ayaa laga weydiiyay arintan kala hadalka ah, waxey UDI-da sheegtay in baasaboorka soomaaliga ah ay u aqoonsadeen baasaboor ahaan(Waraaqad/Documenti safar ahaan), laakiin aysan ku kalsooneyn macluumaadka qofka ee ku qoran baasaboorka.

Sidaas darteed qofkii laga shakiyo aqoonsigiisa soomaalinimo, uusan baasaboorka soomaaliga ah aheyn cadeyn muujin karta soomaalinimada qofka ama sax ahaanta macluumaadka shaqsiga ah ee qofka.

Maxaa xaqiijin kara soomaalinimada qofka soomaaliga ah?

Soomaalida kulanka joogtay ayaa arintan ka muujiyay dareen xoogan, waxaana shaqaalaha UDI-da ee kulanka joogay la weydiiyay, waxa ay UDI-du aqoonsantahay ee muujin kara soomaalinimada qofka soomaaliga ah, ama sax ahaanta macluumaadkiisa shaqsiyeed ee qofka.

Waxeyna sheegeen in wadarta waxyaabo badan oo la isku daray ay u adeegsadaan xaqiijinta macluumaadka qofka soomaaliga ah oo ay ka shakinsanyihiin soomaalinimadiisa. Waxa ugu badan oo ay xooga saaraana ay tahay macluumaadka uu qofku sheegtay marka uu wadanka magangalyada codsanayay.

Shaqaalaha hey´adda laanta socdaalka Soomaaliya iyo waliba dowlada Soomaaliya ayaa maalmo xayeysiinayay warka kasoo yeeray dowlada Norway oo ay ku aqoonsadeen baasaboorka soomaaliga. Laakiin hadii macluumaadka ku qoran baasaboorka qof ay dowlad u aqoonsantahay inuu yahay muwaadin u dhashay dalkeeda, sidee ayay dowlad kale oo sheeganeyso inay la shaqeyso dowladaas u sheegan kartaa inaysan ku kalsooneyn macluumaadka qofka, balse ay aqoonsantahay oo kali ah qolafka baasaboorka?

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments