Minnesota: Askari soomaali ah oo maxkamad Ay ku heshay danbi dilka darajada sadexaad.

0
96
Mohamed Nuur: Askariga danbiga lagu helay.

Maxamed Nuur oo ahaa sarkaal Soomaali-Mareykan ah oo horey uga tirsanaa booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, ayaa lagu helay dambi ah dilka darajada saddexaad. Iyo dil aan ku talo-gal ahayn oo uu gaystay gabar caddaan ah oo lagu magacaabi jiray Justine Ruszczyk Damond.

Maxamed Nuur oo lasoo taagay maxkamadda Hennepin County, ayaa waxaa dhanka kale lagu waayey dilka darajada labaad ee dilka ku talo-galka ah, oo ka ciqaab badnaa lahaa kan lagu helay.

Maxamed Nuur ayaa isaga oo naxsan wejiga gacmaha saartay markii xeer-beegtida ay aqrisay go’aanka ay ka gaareen dacwadaha lagu soo oogay.

Waxaa durba gacmaha ka jeebeeyey booliiska oo u kaxeeyey xabsiga, waxaana la waqtiyeeyey in xukunka inta sano ee xabsiga uu ku jiri doono lagu rido sagaalka subaxnimo ee 7-da June 2019.

Maxamed Nuur ayaa ah sarkaalkii ugu horreeyey ee booliska Minnesota ka tirsan oo lagu helay dambiga dil uu gaystay isaga oo waajibkiisa shaqo ku jira. Wuxuu wajahayaa xabsi u dhaxeeya 10 illaa 15 sano oo ah dambiga koowaad ee darajada saddexaad ee dilka iyo saddex illaa 5 sano oo ah dambiga dilka aan ku talo-galka ahayn.

Madaxa booliiska Minneapolis, Medaria Arradondo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu aqbal go’aanka wuxuuna raali-gelin u diray qoyska iyo saaxiibada Damond.

Maxamed Nuur ayaa dilay Damond markii uu tagey gurigeeda isaga oo ku baxay wicitaanka lambarka 911, wuxuuna xabadda ku furay markii ay dhankiisa usoo carartay, isaga oo sheegay inuu naftiisa u baqay.

Xigasho/kilde: Caasimada.net

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments