Oslo kowda may

Maalintii shaley aheyd waxaa caalamka oo dhan laga xusay maalinta shaqaalaha aduunka oo ku aadan kowda bisha May. Waxaana magaalada Oslo iyo guud ahaan magaalooyinka kale ee caalamka ka dhacay dibad baxyo lagu xusayo maalintaas.

Waxaan barta muuqaalada keydisa ee Youtube-ka aan ka helnay muuqaalka warbixin 11-sano kahor laga diyaariyay soomaalida magaalada Oslo, kuwaas oo xiligaas xusayay maalinta kowda May. Isla markaana muujinayay dareenkooda ku aadanaa xaaladii siyaasadeed ee xiligaas ka jirtay Soomaaliya.

Waxaa muuqaalka diyaariyay, warbixinta ka sameeyay Cumar Shiine oo xiligaas ahaa wariyaha Universal ee Norway.

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of