fredag, april 26, 2024

Buuq ka taagan gabadha boqorka Norway oo saaxiib la noqotay nin madow ah oo sheegtay inuu ruuxaamaha la hadlo.

Isbuucii ugu danbeeyay arinta loogu hadalka badnaa saxaafada Norway ayaa aheyd gacaliyaha cusub ee gabadha uu dhalay boqorka dalkan Norway, Prinsesse Märtha.

Ninkan ay ina boqorta Norway saaxiibka ka dhigatay ayaa lagu magaacaabaa, Durek Verrett. Wuxuuna u dhashay dalka Mareykanka, inkasta oo uu sheegto in qeyb kamid ah waalidka hooyadiis ay kasoo jeedaan Norway. Asal ahaan wuxuu aabihii kasoo jeedaa, dalka Haiti.

Dhibaatadu midabkiisa ma ahan:

Arinta ugu badan ee buuqa iyo xiisada ka dhalisay ninkan ay saaxiibka la noqotay Prinsesse Martha ayaa ah, in ninkan uu sheegto inuu daaweeyo xanuuno badan, sida kansarka iyo cudurada ka dhasha dhiig yaraanta. Uuna la hadlo ruuxaamo u sheega waxa dhici doono mustaqbalka. Sidoo kalena uu awoodo inuu hoos u dhigo da´da qofka, maadaama uu leeyahay awood ruuxaaniyan ah.

Horey wuxuu u sheegtay inuu sii ogaa, loona sii sheegay weerarkii argagaxisnimo ee ka dhacay dalka Mareykanka, sanadkii 2001.

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay inuu horey saaxiib ula ahaa, lana galmoon jiray qof nin ah. Isaga oo sheegay inuu leeyahay labo naf oo midna ay nin tahay, midna naag.

Gabadha boqorka Norway ayaa sheegtay inay ku faraxsantahay saaxiib la noqoshada Durek. Waxeyna Talaadadii isbuucan kasoo wada dageen Norway, iyaga oo si wadajir ah wareysiyo u siiyay qaar kamid ah warbaahinta Norway.

Durekk ayaa sheegay inuu rabo inuu safar ku maro Norway, si uu khudbado ugu qabto, una dadka si ruuxaaniyan ah ugu daaweeyo(aan daawo rasmi aheyn).

Dad badan oo laga yaabo inay dhaliilsanyihiin midabka ninkan ay saaxiibka ka dhigatay gabadha uu dhalay boqorka Norway, ayaa hada kusoo dhuumanaya howlaha kale ee ninkan uu ku mashquulsanyahay, sida laga dheehan karo fikradaha ay dadku ka dhiibteen baraha bulshada.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x