Soomaali gudoomiye ka noqday dalada ururada islaamka Norway(Islamisk råd)

0
188

Sida lagu sheegay qoraal lagu soo daabacay webka dalada ururada islaamka Norway ee Islamsk Råd, Cabdiraxmaan Diiriye oo horey dalada gudoomiye ku xigeen uga ahaa ayaa loo doortay gudoomiyaha islamsk råd.

Dalada ururada islaamka Norway ayaa ah mid ay ku mideysanyihiin ilaa 30 xarumood iyo ururo islaami ah, oo ka dhisan dhamaan magaalooyinka Norway. Iyada oo inta badan ah ururka ku hadla magaca muslimiinta Norway dhanka warbaahinta.

Cabdiraxmaan oo ah Data-enginør ayaa noqon doono soomaaligii ugu horeeyay ee daladaas gudoomiye ka noqdo.

Islamks råd ayaa labadii sano ee ugu danbeeyay waxaa hareeyay buuq kaga imaanayay dhanka warbaahinta Norway, kaas oo ugu danbeyntii sababay in ururkaas laga goosto dhaqaalihii taageerada aheyd oo ay ka heli jireen dowlada Norway.

Halkan ka daawo muuqaal ay horey NorSom News uga duubtay cabdiraxman Diiriye oo xiligaas ahaa gudoomiye ku xigeenka Islamsk råd.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments