Ilhaan Cumar Vs Trump:Allahayoow, dadkeyga ugu dambi dhaaf aqoon la’aantooda.

0
126

Madaxweyne Trump ayaa habeen hore saqdii dhexe boggiisa Tweetarka ku qoray ‘hadal jeejees ah’ oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar.

Warbixintan oo aan ka soo xigannay wargeyska Daily Mail ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Donald Trump oo Sabtidii ka hadlay kulan ay lahaayeen Kooxda Hoggaamisa siyaasadda Yuhuudda ee ku dhaqan Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar u mahadceliyey isaga oo ku jeesjeesaya.

Inta uusan khudbaddiisa billaabin ka hor ayuu yiri ‘Oh waan ilaaway illeen Ilhaan Cumar Israa’iil ma jecleyn, waan ka xumahay. Maya Israa’iil iyadu ma jecla, miyey jeceshahay? Fadlan waan ka raalli gelinayaa.

Wuxuu sidoo kale Xisbiga Dimuqraadiga ku eedeeyey inuu oggolaado in Yuhuud Neceybka ay xisbigooda ku xidideysato.

Ilhaan Cumar oo farriinta uu Trump boggiisa Tweetarka ku qoray ka jawaabeysa ayaa qortay hal jumlad, iyada oo weliba carabi ku sii micneysay.

Waxayna tiri «Allahayoow, dadkeyga u dambi dhaaf aqoon la’aantooda.

Bishii Fabraayo Ilhaan Cumar, oo ah gabadh muslimad ah oo Minnesota laga soo doorto waxaa lagu eedeeyey ‘in Hadallo Yuhuud Neceyb ah ay ku dhawaaqday’, iyada oo hadalladeeda ula jeedday iney cadaadis ku saarto siyaasadda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee ku aaddanTaageeridda Israa’iil.

Jimcihii waxaa magaalada New York lagu qabtay oo dacwad lagu soo oogay nin isku dayay inuu dilo ama waxyeello u geysto Ilhaan Cumar.

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka waxay sheegtay ninkaasi oo lagu magacaabo Patrick Carlineo oo 55 jir ah oo ka soo jeeda New York inuu wajihi doono ilaa iyo toban sano oo xarig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan $250,000 oo doolar.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments