Boqorka Sweden oo bilad sharaf gudoonsiiyay wiil dhalinyaro soomaali ah.

0
182
Hamza iyo boqorka Sweden.

Hamza Mostafa oo ah 21 sano jir soomaali ah, ayaa sanadkan ku guuleystay abaalmarinta sanadlaha ah ee hogaamiyaha dhalinyarada ah ee sanadka. Waxaana Hamze biladaas gudoonsiiyay boqorka Sweden, Carl VXI Gustaf.

Biladan oo ah mid sanadkiiba mar la bixiyo, ayaa waxaa la gudoonsiyaa qof dhalinyaro ah oo Sweden dhexdeeda ka qabtay howl bulsho oo muhiim ah. Lana yimid firfircooni wax kusoo siyaasidisay ama ka badashay bulshada uu la noolyahay.

Mustafa ayaa bilad sharafta ka sokow boqorka Sweden ka gudoomay abaal marin lacageed oo la socoto bilada hogaamiyaha dhalinyarada ah.

Xigasho/kilde: SVT.SE(Halkan ka daawo muuuqaalka Hamza)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments