Norway oo Ethiopia siisay lacag, kahor inta aysan heshiis dib u celin la galin.

0
81
Wasiirka cadaalada Norway: Tor M. Wara Foto: First House

Dowlada Norway aaaa isbuuc kahor heshiis dib u celin ah la saxiisatay dalka Ethiopia, xili ay dalkaas booqasho rasmi ah ku joogtay Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg.

Dadka kasoo jeedo dalka Ethiopia ayaa ah dadka ugu badan ee kujira kaamamka Norway, kadib marka ay diidmo haleen codsiga magangalyada. Norway ayaa sheegtay in heshiiskaas uu saameyn toos ah ku yeelan doono dadkaas, oo ay sheegtay in dalkoodii lagu celin karo hada.

Lacag malaayiin ah:

Wargeyska Bistandaktuelayaa maanta soo daabacay warbixin ah ku saabsan in dowlada Norway ay lacag ugu deeqday xarun loogu talagalay socdaalka oo kutaal Ethiopia.

Waxaana lacagtaas xaruntaas loogu deeqay isbuuc kahor inta aan la saxiixin heshiiska dib u celinta. Taas oo dhalisay shaki ku saabsan in lacagtaas ay Gogol-xaar u aheyd heshiiska dib u celinta.

Arintan ayaa xoojineyso doodii maalmahan ka socotay baarlamaanka Norway, taas oo ku saabsaneyd in mucaawinooyinka ay Norway bixiso ay ku badalato heshiis dib u celin.

Xisbiga Frp iyo wasiirka cadaalada ayaa dadaal ugu jiro in deeqaha ay Norway bixiso ay ku badalato heshiis, halka xisbiga Krf iyo xisbiyada mucaaradka ay arintaas ka biyo diidsanyihiin.

Xigasho/kilde: Bistandaktuelt.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments