Sweden:Ardayad loo ganaaxay qof la musaafurin lahaa oo ay baajisay

0
128
Elin Ersson

Gabadh xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqda oo reer Sweden ah ayaa lagu ganaaxay 3,000 krona oo u dhiganta 324 doolar, ka dib markii ay isku dayday in ay baajiyo qof soo galooti ah oo Afghanistan loo masaafurin lahaa.

Elin Ersson oo ah ardayad jaamacad dhigata ayaa goosatay tigitka diyaarad ay is lahayd waxaa saaran qofka Afghanistan u dhashay, waxayna diiday in ay fadhiisato tan iyo inta qofka qaxootiga ah laga dajinayo diyaaradda.

Inkastoo qofkii qaxootiga ahaa ee ay rabtay uusan saarnayn diyaaradda haddana waxaa rakaabka ka mid ahaa qof kale oo Afhanistan u dhashay oo dalka laga masaafurinayay ka dib markii uu dhamaystay xukun xabsi ah.

Labadii ruux ee reer Afghanistan ayaa dalka Sweden laga masaafuriyay wixii ka dambeeyay markii ay mudaaharaadka dhigtay bishii Luulyo ee sannadkii 2018ka.

Ersson oo 21 jir ah ayaa mudaaharaadkeeda si toos ah uga baahisay Facebook iyada oo saaran diyaaradda Airlines plane oo ka duulaysay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, iyada oo ku siijeeday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ersson ayaa muuqaalkaas ku sheegtay in ay ka soo horjeeddo siyaasadda Sweden ee ku aadan in dalka laga masaafiro dadka soo galootiga ah ee ku guuldaraysta in ay magangalyo helaan.

«Ma fariisanayo tan iyo inta qofkan diyaaradda laga dajinayo, sababtoo ah waxay u badan tahay in la dilo,» ayay tiri.

Muuqaalka ayaa muujiyay sida shaqaalaha diyaaradda iyo rakaabka kale ay ugu boorinayeen in ay duubitaanka joojiso oo fadhiisato.

Ersson ayaa markii dambe diyaaradda laga dajiyay iyadoo uu weheliyo 52 jir reer Afghanistan ah iyo ciidammadii asluubta ee waardiyaynayay, inkastoo dadka qaarkood ay ku eedeeyeen in ay istustus ka ahayd.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments