Norway oo rabta inay deeqaha ay bixiso ku badalato heshiis dib u celin

0
116
Foto:Gisle Oddstad

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa dhawaan soo dhistay xukuumad ay isku baheysteen xisbiyada midigta, kadib heshiis siyaasadeed oo ay gaareen.

Qodob kamid ah heshiiska ayaa dhigaya in Norway ay deeqaha ay bixiso ku badalato heshiis dib u celin, oo ay dalkoodii dib ugu celiso dadka diidmada ka heysta codsiyada magangalyada.

Jon Helgheim oo ah afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga Frp ayaa sheegay in arintan ay aheyd wax xisbigiisu uu mudo ku faanayay.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dowlada ku eedeynayo inay deeqda ay bixiso ee caalamiga ah ay rabto inay ku fushato dano siyaasadeed, halka xisbiyada dowlada, gaar ahaan Frp ay sheegayaan inay muhiim inay helaan wax ay ku badashaan malaayiinta dollar ee deeq ahaanta ay u bixiyaan.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments