Mareykanka iyo Ruusha oo ka wada baxay heshiis xakameynta hubka wax gumaada

0
160

Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday iney si rasmi ah uga tallaabsatay heshiiskii xakameynta gantaallada riddada dhexe ee Nuclear-ka, kaasoo la hirgaliyay xilligii dagaalki qaboobaa ee dunida.

Tallaabada Ruushka ayaa daba socota go’aan uu shalay oo Jimce ahayd Mareykanka qaaday isla markaana uga baxay heshiiskaas xakameynta hubka wax gumaada.

Xukuumadda Washington ayaa go’aankeeda u sababeysay eedeyn ay Moscow ugu jeedisay iney xushmeyn weysay heshiiskaas.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in waddankiisu uu dib u billaabayo sameynta gantaallo cusub oo xambaara nuclear.

«Mareykanka oo aan heshiiskan iskula jirnay waxay ku dhawaaqeen iney ka baxayaan dhankooda, annaguna sidoo kale ayaan uga baxeynaa», ayuu yiri Putin.

«Dhammaan yaboohyadii aan horay usoo jeedinay dhankeenna, si xal loo helo, wali miiska ayey saran yihiin, albaabada wada xaajoodkana wey furan yihiin», ayuu sii raaciyay.

Heshiiska xakameynta hubka halista ah oo ay Mareykanka iyo midowgii Soviet ee USSR kala saxiixdeen sannadkii 1987-kii ayaa labada waddan ka mamnuucayay iney isticmaalaan gantaallada riddada gaaban iyo kuwa riddada dhexe ee xambaara qumbuladaha nuclear-ka.

Aroornimadii hore ee Sabtida ayuu xog hayaha guud ee isbahaysiga Nato, Jens Stoltenberg u sheegay idaacada BBC-da in go’aankooda la isku wada ogyahay.

«Guud ahaan xulafadeenna Yurub waxay Mareykanka ku raacsan yihiin go’aankaas, sababtoo ah ruushka sannado badan ayuu ku xad gudbayay heshiiska. Mar walba wuxuu gantaallo dheeraad ah ku sii diyaarinayaa gudaha qaaradda Yurub», ayuu yiri Stoltenberg.

Hase ahaatee mas’uuliyiinta Ruushka ayaa iska fogeeyay eedeymahaas ku saabsan ku xad gudubka xakameynta hubka Nuclear-ka.

Xigasho*/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments