Ilhaan Cumar oo raali galin ka bixisay ereyo lidi ah Yuhuuda oo ay horey u dhahday

0
126
Foto: Ilhaam Cumar/Facebook

Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa’iil u taageeraan ururrada u ol’oleeya awgeed.

Cambarayn ballaaran ayay kala kulantay in ay tilmaantay in ururka Aipac ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil. Xusbno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo kan dimuqraadiga ayaa sheegay in Twitterkaasi uu sii hurinayo Yuhuud nacaybka.

Xildhibaannadan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb.

Ilhaan ayaa baahisay qoraal ay «si cad» raali galin uga bixinayso Twitterkii Isniintii, arrintaas oo u muuqata in ay dhacday ka dib markii ay wada hadleen gudoomiyaha aqalka Congress-ka Nancy Pelosi.

Xigasho/kilde: BBC-Somali

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments