lørdag, april 27, 2024

Holand: Horey wuxuu aad u dhaleeceyn jiray Islaamka, hada wuxuu noqday Muslim.

Joram van Klaveren oo kamid ahaa siyaasiyiinta xisbiga xagjirka midigta aadka u fog ee dalka Holand(PVV), ayaa maanta oo isniin ah ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka.

Joram ayaa noqonayo siyaasigii labaad oo kamid ah siyaasiyiinta xisbiga ku dhisan islaam naceybka oo qaata diinta Islaamka.

Joram oo horey u ahaa xubin katirsan baarlamaanka Holand, caana ku ahaa naceybka iyo dhaleeceynta islaamka, ayaa sheegay inuu qaatay diinta islaamka, kadib markii uu akhriyay buug ka hadlaya Islaamka. Uuna fahmay in wax badan oo uu islaamka ka aaminsanaa ay ahaayeen wax aan sax aheyn.

Siyaasigan oo horey u sheegi jiray in diinta islaamku ay ku dhisantahay been, quraankuna uu yahay sun, ayaa hada ugu danbeyn qirtay in hadaladii uu sheegi jiray ay ahaayeen wax qaldan. Isaga oo raaciyay i siyaasada xisbiga PVV ay ku dhisneyd in wax walba oo islaamka lug ku leg la qaloociyo, qaladna laga dhigo.

Arnoud van Doorn oo ahaa siyaasi ay ninkan horey isku xisbi u ahaayeen, qaateyna diinta islaamka ayaa hambalyo u diray saaxiibkiisii hore oo ay hada diinta islaamka wata qaateen.

Xigasho/kilde: Politico

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x