EU-da oo loogu baaqay inay joojiyaan qaxootiga uu dib ugu celinayo Liibiya

0
131

Hey´adda Exform ayaa ku eedeysay wadamada midowga yurub in ay ku fashilmeen wax ka qabashada muhaajiriinta ku dhimanaya badweynta u dhaxeysa wadamada liibiya iyo Talyaaniga, kadib war saxaafadeed ay soo saartay.

Eedeynta Exform ay u jeedisay wadamada Yurub ayaa waxaa ku wehlinayay dhowr hey´adood oo ka mid ah kuwa u dooda xuquuqda aadanaha, waxeyna ay sheegeen dhamaantood in 5300 oo qof oo u badan dad Afrikaan ay ku dhinteen bada Mediterranean-ka tan iyo sanadkii 2017-dii, markaasi oo heshiis sadex geesood ah ay la galeen wadamada Yurub iyo Talyaaniga iyo dowlada liibiya si loo joojiyo dadka muhaajiriinta.

Warbixinta oo dheereyd ayaa loogu baaqay in wadamada midowga yurub ay uu joojiyaan muhaajiriinta dib loogu soo celinayo Liibiya, maadaama ciidanka amniga ay Jirdil ugu geysanayaan xabsiyada ku yaal wadanka dhaca waqooyiga Afrika.

Hey´adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in sanadkii tagay ee 2018-kii 15,000 oo soo galooti ah dib loogu celiyay dalka liibiya.

Muwaadin u dhashay Eritrea oo ka mid ahaa maxaabiistan ayaa sheegay in loola dhaqmay sida xayawaanka oo kale qaarkoodna sidii loo garaacayay ay geeriyoodeen, halka dumar badanna hortiisa lagu kufsaday.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments