Booliska oo xabsiga dhigay Mezyar Keshvari.

0
84
Foto: Stillebilde/Youtube

Sida ay xaqiijiyeen booliska, waxaa dhamaadka isbuucii lasoo dhaafay ay booliska Oslo xabsiga dhigeen Mezyar Keshvari oo katirsan xildhibaanada xisbiga Frp ee baarlamaanka Norway.

Keshvari oo horey ugu eedeysnaa danbi la xiriira khiyaano iyo wax isdaba marin, ayaa hadana lagu soo eedeeyay danbi la xiriira hanjabaad culus oo uu u geystay qof haweenay ah. Keshari ayaa sida uu qareenkiisu sheegay xabsiga laga sii daayay maalintii shaley aheyd, isaga oo noqon doono maxkamad-suge inta ay boolisku danbigiisa sii baarayaan.

Sida uu warbaahinta u sheegay qareenkiisa, Keshvari ayaa iska fogeeyay danbiga lagu soo eedeeyay. Booliska ayaa dhankooda diiday inay bixiyaan faah-faahin dheeri ah, waxeyna sheegeen in kiisku uu kujiro baaritaan xili hore ah.

Khiyaano iyo wax is daba marin:

Eedeyntan ayaa noqon doonto midii labaad ee uu Keshvari la kulmo mudo afar bilood ah, isaga oo horey ugu eedeysnaa, baarisna ay ugu socotay kiis la xiriira inuu baarlamaanka Norway ka khiyaanay lacag 300.000, taas oo uu si been ah ku qaadan jiray.

Ajaaniibta danbiga gasho wadanka halaga tarxiilo:

Keshvari oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan, kana tirsanaa madaxda xisbiga Frp ayaa horey ugu doodi jiray in ajaaniibta danbiga galo ay mudanyihiin in wadanka laga tarxiilo. Hadalkaas ayaana taariikhda u galay oo hada ku noqon doono muraayad hortaagan oo marwalba oo isku dhex arki doono.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments