Baarlamaanka Norway oo beri codka u qaadayo in la xadido mudada qofka dhalashada Norway laga ceshan karo

0
166
foto: Stortinget.no

Xubnaha golaha Baarlamaanka Norway ayaa maalinta beri ah codka u qaadi doono soo jeedin ka timid xisbiyada SV, Rødt iyo MDG, taas oo ku saabsan in la xadido mudada qofka lagala noqon karo sharciga dhalashada dalkan Norway.

Xisbiyadan ayaa dalbanayo in isbadal lagu sameeyo sharciga soo galootiga Norway, si ugu badnaan shan sano marka ay kasoo wareegtay xiliga uu qofka qaatay dhalashada Norway, aan dib looga ceshan karin.

Sidoo kale waxaa saacad kadib magaalada Oslo, gaar ahaan xarunta baarlamaanka Norway horteeda ka dhici doono mudaaharaad ay soo abaabuleen xisbiyadaas. Kaas oo lagu taageerayo soo jeedintan beri codku looga qaadi doono baarlamaanka Norway.

Lama oga qaabka ay ku dhamaan doonto codbixinta beri loo qaadi doono soo jeedintan, waxaana wali fikirkooda cadeyn xisbiyada waaweyn ee baarlamaanka, gaar ahaan Ap, Krf iyo Venstre.

Baarlamaanka Norway ayaa horey u ansixiyay in maxkamad oo kali ah ay go´aan ka gaari karto in qofka laga qaado sharciga dhalashada Norway iyo inkale, waxeyna awooda sharci kala noqoshada dhalashada ka qaadeen hey´adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee UDI.

Xigasho/kilde: Stortinget.no

Xigasho/kilde: Stortinget.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments