Sweden: Wiil soomaali ah oo xaley lagu toogtay Stockholm

0
88
booliska-Sweden

Waxaa xaley fiidkii xaafada Tensta ee magaalada Stocklom ee caasimada Sweden lagu toogtay wiil ay boolisku da´diisu ku sheegeen 24-sano jir, kaas oo markii danbe u geeriyooday dhaawac toogashadaas kasoo gaaray.

Sida uu qoray wargeyska Aftenbladet, booliska ayaa toogashadan ka warhelay abaare sideedii fiidnimo xiliga Stocklom, waxeyna sheegeen inay wareysi la yeelanayaan sadex qof oo ay goobta iyo agagaarkeeda kasoo kaxeysteen.

Sida ay NorSom u xaqiijiyeen qaar kamid ah soomaalida degan xbaafada Tensta, , wiilkan xaley lagu toogtay magaalada Stocklom ayaa ah soomaali, laakiin boolisku ayaan wali xaqiijin jinsiyada wiilka dhintay. Iyada sidoo kale naloo sheegay in falka toogashada ah uu ka dhacay agagaarka dukaan ay soomaali leedahay oo lagu magacaabo Shabelle livs, halkaas oo ay boolisku markii danbe baaritaan ka bilaabeen.

Dalka Sweden waxaa sanooyinkii ugu danbeeyay aad ugu soo badanayay falalka toogashooyinka ah, iyada oo marar ay falalkan saameeyaan nolosho dhalinyaro soomaali ah.

Wixii arintan kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Aftenbladet.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments