fredag, april 26, 2024

Oslo: Afar qof oo labo ay soomaali tahay oo isugu soo haray magaca sanadka 2018 ee xaafada Sagene

Afar qof oo labo kamid ay yihiin soomaali ayaa isugu soo haray tartanka bilada magaca iyo naftii huraha sanadka ee xaafada Sagene ee magaalada Oslo. Raxma Jaamac iyo Fawzi Cabdirashiid Warsame ayaa Merete Grytten iyo Harald Øyen ku weheliya u tartanka biladan.

Raxma Jaamac oo ah qof caan ka ah bulshada soomaalida Norway ayaa dhowr mar sanadkii hore kasoo muuqatay warbaahinta waaweyn ee dalkan Norway. Raxma ayaa isbuucyo kahor kasoo muuqatay muuqaal baahiyaha TV2, barnaamij ku saabsan halganka nolosheeda iyo hanashada himilooyinkeeda. Raxmo ayaa sidoo kale ah wariye katirsan warbaahinta soomaalida ah ee dalkan Norway

Fawzi Warsame oo ah ardey dhigta maadada qaanuunka iyo sharciga ee jaamacada Oslo ayaa isna ah qof firfircoon oo dhalinyaro ah. Isaga oo sidoo kale katirsan siyaasiyiinta xisbiga Ap, wuxuuna sanadkii hore ku jiray liiska musharaxiinta kuraasta baarlamaanka ee xisbiga Ap ee magaalada Oslo. .

Halkan kasii akhri tartanka shaqsiga sanadkan ee xaafada Sagene Oslo

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x