Norway: Xisbiyada midigta oo bilaabay wada-xaajoodyo ku saabsan dhisida xukuumad cusub oo ay wadaag kuyihiin.

0
94

Xisbiyada garabka midig ee siyaasada dalkan Norway ayaa shaley bilaabay wada-xaajoodjo oo ku saabsan dhisida xukuumad cusub oo ay wadaag ku yihiin afarta xisbi ee kala ah, Høyre, Venstre, Frp iyo Krf.

Xisbiga Krf ayaa dhamaadka sanadkii tagay go´aansaday inay ku biiraan xukuumada Erna Solberg, kadib isbuucyo ay socdeen dood adag oo ku saabsan jihada uu xisbigaas qaadan doono. Arintaas ayaa sababtay inuu xilka isaga dago gudoomiyii hore ee Krf, Knut Arild Hariede, waxaa xilka gudoomiyaha isku caano shubay gudoomiye ku xigeenka Krf oo ahaa mashiinkii ka danbeeyay in Krf ay xukuumada Solberg kamid noqdaan.

Reysulwasaare Solberg ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay boos mug leh xukuumadeeda ka siiso xisbiga Krf, balse waxey ka digtay inay yeeshaan filoshooyin ay adagtahay in xaqiiqo ahaan la fuliyo. Iyada oo sidoo kale sheegtay inay ku qanacsantahay in afarta xisbi ee garabka midiga ay awoodi karaan inay dhisaan xukuumad sal adag oo Norway maamusha sanadaha soo socdo.

Solberg ayaa dhanka kale raacisay inay ogtahay inay sugayaan wada-hadalo adag, ayna adagtahay in xukuumadeeda ka tagto xukuumad ka kooban sadex xisbi, ayna noqoto mid afar xisbi shaqo wadaag ku yihiin.

Xigasho/kilde: Dagens Næringsliv

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments