Norway oo ugu musuq-maasuq badan Scandanevianka, Soomaaliyana aduunka oo dhan.

0
147

Sida lagu sheegay warbixinta sanadlaha ah ee halbeega musuq-maasuqa dowliga ah ee dalalka caalamka, Soomaaliya ayaa mar kale kaalinta ugu horeysa ka gashay dalalka ugu musuq-maasuqa badan aduunka.

Dalkan Norway ayaa kaalinta lixaad kaga jira wadamada ugu musuq-maasuqa yar aduunka, waxeyna hal boos hoos uga dhacday booskii ay sanadkii hore kujirtay oo ahaa booska shanaad. Norway ayaa booska ugu danbeysa ee dhanka musuq-maasuqa kujirta, marka lala barbar-dhigo dalalka dariska la ah ee Scandanevianka.

Booska koowaad ee dalalka ugu musuq-maasuqa yar aduunka, waxaa wada qeybsaday dalalka New Zealand iyo Denmark, waxaana soo raaca dalalka Finland, Sweden iyo Switzerland.

Soomaaliya ayaa keentay dhibcaha 10(10%) ka keentay halbeega musuq-maasuqa, waxaana lagu saxayay 100(100%). Norway ayaa dhankeeda keentay 85, halka sanadkii hore ay keentay 86.

Xigasho/kilde: Hegnar/ntb

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments