fredag, april 26, 2024

Erna Solberg oo soo dhistay xukuumad ay kujiraan wasiiro KRF ah

Reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg ayaa shaley soo bandhigtay xukuumad cusub oo ay u dhanyihiin xisbiyada afarta ah ee garabka midig ee siyaasada Norway. Waxaana markii ugu horeysay xukuumadaas kasoo dhex muuqday wasiiro katirsan xisbiyada Krf ee dhawaan kusoo biiray xukuumadeeda.

Xukuumada ka kooban 21 wasiir ayaa waxaa u badan wasiiradii horey u fadhiyay, balse waxaa kusoo darsamay 3 wasiir ah oo Krf ah, halka daaqada lakala baxay wasiir katirsan Frp iyo mid kale oo katirsan Høyre.

Frp, Høyre iyo Venstre ayaa inta badan wali sii heysta wasaaradihii ay maamuli jireen. Balse Krf ayaa helay wasiirka cusub ee Mucaawinada, wasiirka cusub ee caruurta iyo qoyska, iyo wasiirka beeraha iyo cuntanada.

Erna Solberg ayaa hada hogaamiso xukuumad heysato aqlabiyada baarlamaanka, waxeyna tani siin kartaa awood cusub oo baarlamaani ah oo ay ku meelmarsato qorshaheeda siyaasadeed.

Solberg ayaa sidoo kale isku diyaarineyso doorashada golaha deegaanka ee sanadkan bisha sagaalaad dhici doonto.

Xigasho/kilde_: NRK

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x