Tromsø: Siyaasi soomaali ah oo u sharaxan duqa magaalada Tromsø

0
179
Foto: Skjermdupm/Itromsø

Axmed Warsame oo ah siyaasi asalkiisu soomaali yahay ayaa u sharaxan qabashada xilka duqa magaalada Tromsø ee woqooyiga dalkan Norway. Axmed Warsame ayaa katirsan xisbiga kystpartiet oo kamid ah xisbiga yar-yar ee ka dhisan Norway, kuna xoogan woqooyiga Norway.

Axmed Warsame ayaa marka laga tago xisbigiisa dhexdiisa, caan ku ahaa olole sanadkan looga soo horjeeday in magaalada Tromsø laga dhiso BOM-ka(wado marista lacagta ah). Isaga oo marar badan kasoo baxay wargeysyada woqooyiga Norway, xiliga lagu jiray ololahaas.

Inkasta oo xisbiga Axmed uu yahay xisbi aad u yar marka loo fiiriyo awooda qeybsashada awooda ee siyaasada Norway, hadana wuxuu Axmed Warsame noqon doonaa soomaaligii ugu horeeyay ee abid Norway ama woqootiga Yurub loo sharaxo jago duq magaalo.

Xigasho/Kilde: Itromsø

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments