fredag, april 26, 2024

Krf oo ugu danbeyn isku raacay inay ku biiraan xukuumada Erna Solberg, intii ay kursiga ka tuuri lahaayeen

Waxaa maanta furmay shirka golaha dhexe ee xisbiga Krf oo indhaha dhamaan bulshada Norway ay ku wajahnaayeen go´aamada kasoo bixi doono. Krf ayaa maanta lagu balansanaa inay go´aan ka gaaraan inay ku biiraan garabka bidix ee xisbiyada Ap iyo Sp, ama ay taageeraan xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg ee garabka midig.

Gudoomiyaha xisbiga Krf, Knut Hariede ayaa furitaanka shirka sii sheegay inuu ka dagi doono kursiga gudoomiyaha xisbiga, hadii uu ku guuleysan waayo inuu meelmariyo qorshihiisa ah, inuu xubnaha golaha dhexe ee xisbiga uu ka dhaadhiciyo inay la shaqeeyaan xisbiyada Ap iyo Sp.

Garabka midigta oo ugu danbeyn guuleystay:

Codkii la qaaday kadib, waxaa ugu danbeyn soo baxday in garabka xisbiga Krf ee taageersanaa in lala shaqeeyo xukuumada Erna Solberg, ay ku guuleysteen cod qaadistii maanta. Waxaa halkaas kasoo baxday in xisbiga Krf uu ku biiri doono xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg, ee horey uga koobneyd xisbiyada Frp, Høyre iyo Venstre.

Gudoomiyihii xisbiga Krf oo lahaa qorshaha in xukunka laga tuuro xukuumada Erna Solberg, ayaa ugu danbeyn qirtay in laga guuleystay garabka xisbigiisa, wuxuuna sii raaciyay inuu baneyn doono kursiga gudoonka xisbiga.

Waxaa maanta halkaas kusoo xirmay loolan dheer oo isbuucyadii ugu danbeeyay ka dhex taagnaa garabyada xisbiga Krf, taas oo ah khalkhal galiyay shaqada xukuumada Solberg, gaar ahaan meelmarinta miisaaniyada sanadka 2019.

Erna Solberg ayaa ku qasbanaan doonto inay sameyso isku shaandheyn cusub oo la xiriirta liiska golaheeda wasiirada, si ay boos u siiso xisbiga cusub ee kusoo biiray is xulufeysiga garabka midig ee dowlada.

Xigasho/kilde: VG.NO

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x