HA: Xildhibaan soomaali ah oo iska casilay liiska musharaxnimnada xisbiga Ap e: Kuma qanacsani booska la i galiyay

0
157
Foto: Skjermdump/HA.NO

Sida uu qoray wargeyska lokalka ah ee Hamar Arbeiderblad, Cabdirisaaq Ali Hassan oo ah siyaasi soomaali ah oo katirsan golaha deegaanka Stange iyo gudiga maamulka gobolka hedmark, ayaa iska casilay liiska musharaxiinta xisbiga Ap gobolka uga tartami doorashada soo socoto.

Wuxuuna a is casilaadiisa ku sababeeyay inuusan ku qanacsaneyn tirada iyo saamiga dadka soo galootiga ah laga siiyay liiska musharaxiinta, gaar ahaana booska la galiyay isaga oo ah booska 43-aad ee 59-ka qof ee xisbiga Ap uu sharaxday.

Wuxuuna wargeyska HA u sheegay inuu ka xunyahay in xisbiga Ap boos la isku haleyn karo soo bixitaankiisa aan la siin qof soo galooti ah. Uuna is casilaadiisa ku muujinayo sida uusan ugu qanacsaneyn arintaas.

Liiska 59-ka qof ee xisbiga Ap uu soo saaray ayaa ah kuwa uga tartami doono gudiga maamulka gobolada Hedmark iyo Oppland oo la isku dari doono wixii ka danbeeyo sanadka 2020.

Geir Roger Borgedal oo ah madaxa gudiga soo xulayay dadka la sharaxayo ayaa wargeyka HA u sheegay inuu ka xunyahay in siyaasigan soomaaliga ah uu iska casilay liiska musharaxiinta ab, isaga oo ka garaabay is casilaada Cabdirisaaq uu ku sababeeyay yaraanta saamiga iyo tirada dadka soo galootiga ah laga siiyay liiska musharaxiinta.

Cabdirisaaq ayaa dhanka kale booska 3-aad kaga jiro liiska musharaxiinta xisbiga Ap uga sharaxan degmada Stange sanadka soo socdo ee 2019.

Xigasho/kilde: Hamar-Arbeiderblad

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments