Ethiopian Airlines: Waxaan bilaabeynaa duulimaadyo Oslo to Muqadisho ah, sadex duulimaad isbuuc walba

0
259

Bilowgii bishan shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday inay dib usoo celin doonto duulimaadyadii ay ku tagi jirtay caasimada Soomaaliya ee Muqadisho, waxeyna diyaaradan ku biirtay shirkado diyaaradeed oo tartan adag ugu jiro inay dib usoo celiyaan duulimaadyadii ay ku tagi jireen Soomaaliya.

Xafiiska shirkada diyaarada Ethiopian Airlines ee magaaladan Oslo ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Nordica ogeysiinayo in diyaarada Ethiopian Airlines ay bilaabi doonto duulimaad u dhaxeeyo magaalada Oslo iyo Muqdisho, ayna isbuucii bixi doonto sadex mar. Duulimaadka ugu horeeyo ee Oslo iyo  Muqdisho ah ayaa noqon doono maalinta jimcaha ah ee isbuucan, kuna aadan 02. Nov. 2018.

Xafiiska Ethiopian Airlines ee Oslo ayaa sidoo kale sheegay in laga bilaabo 11-ka Desember ee sanadkan 2018, ay kor u qaadi doonto tirada duulimaadyada Oslo To Muqdisho, ayna ka dhigi doonto 5 mar isbuuc walba.

Ethiopian Airlines ayaa horey u bilowday inay duulimaad toos ah ku tagto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, shan mar isbuucii.

Ethiopian Airlines ayaa  sheegtay in suuqa duulimaadyada isku xira wadamada galbeedka Yurub iyo Soomaaliya, gaar ahaan Oslo to Muqdisho uu u xirnaa hal shirkad diyaaradeed, ayna bilaabistooda duulimaadka Oslo to Muqdisho uu keeni doono tartan ka dhaxeeyo diyaaradaha, kaas oo faa´iido u leh bulshada soomaaliyeed ee raba inay u safraan wadankoodii. Waxeyna balanqaadeen in qiimaha duulimaadka Oslo to Muqdisho uu noqon doono mid ka hooseeyo shirkadii horey suuqan monopolka ugu heysatay.

Sidoo kale waqtiga duulimaadka Oslo to Muqdisho ayuu xafiiska shirkada  Ethiopian Airlines sheegay inuu noqon doono mid wax badan ka gaaban kii hore, waxeyna sheegeen inuusan qofku meel kusii dhixi doonin, balse uu galabta uu Oslo ka baxo, subaxa xiga uu Muqdisho ka tagi doono.

Ethiopian Airlines ayaa shan mar oo isxigta la gudoonsiiyay bilada diyaarada ugu adeeg fiican Afrika. 


Wixii faah-faahin oo ku saabsan qadka Oslo to Muqdisho, ama Oslo to Hargeysa, waxaad kala xiriiri kartaa xafiiska Ethiopian Airlines ee magaalada Oslo: 

Tlf: 22064401

Adress: Øvre Slottsgate 6, 0157 Oslo

ama Booqo webka shirkada ee: Ethiopianarlines.no

 

E

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments