Booliska Oslo: Waxaan rabnaa inaan wareysano eedeysane Mazyar Keshvari.

0
132
Foto: Stillebilde/Youtube

Sida uu maanta qoray wargeyska VG, booliska magaalada Oslo ayaa isku dayi doono inay wareysi la yeesheen Mezyar Keshvari oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, kaas oo ay lagu heysto lacago gunooyin ah oo uu ku qaatay qaab aan xaq iyo sharci aheyn.

Baarlamaanka Norway ayaa horaanta bishii hore dacwad ka gudbiyay Keshvari oo lagu heysto inuu baarlamaanka ka dalban jiray inay kabaan lacagta safaro uu ku tagay gobolo iyo degmooyin Norway ah. balse wargeyska Aftenposten ayaa fashiliyay in Keshvari uu Oslo ku sugnaa xiliyo kamid ah kuwa uu lacagta ku qaatay inuu safar ku maqnaa.

Keshvari ayay Aftenposten sheegtay inuu qaatay lacago isku dar gaarayo ila 290.000, kuwas oo lagu siiyay safaro aan jirin ama aan cadeyn loo heynin. Aftenposten ayaa soo bandhigtay cadeymaha in ugu yaraan 36.000 oo lacagtaas kamid ah uu Keshvari ku qaatay wado aan sax aheyn, halka inta kalena aan cadeyn loo heynin.

Booliska Oslo ayaa sheegay in ilaa hada aysan qorin dacwad eedeyn rasmi ah, balse ay rabaan inay wareysi la sameeyaan xildhibaan Keshvari, si ay wax uga weydiinayeen arintan. waxeyna raaciyeen inuu wadahadal kala dhaxeeyo qareenka Keshvari, Arne Gunnar Aas.

Booliska ayaa diiday inay faah-faahin ka bixiyaan nooca cadeyn oo ay hayaan, kuna saabsan eedeynta loo soo jeediyay Keshvari,  balse qareenka Keshvari ayaa horey u sheegay in xildhibaankan eedeysanaha noqday uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo booliska.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments