Keshvari oo iska casilay gudoomiyaha xisbiga Frp ee Oslo

0
87
Foto: Stillebilde/Youtube

Mezyar Keshvari ayaa maanta iska casilay xilka gudoomiyaha xisbiga Frp ee Oslo, kadib markii ay soo baxday fadeexad ah inuu lacago ku qaadanayay safaro uusan galin ama aan cadeyn loo heynin inuu galay.

Aftenposten ayaa shaley soo bandhigtay warbixin sheegeyso in Keshvari uu baarlamaanka ka qaatay ilaa 290.000 oo lagu siiyay safaro uu sheegay inuu Oslo banaankeeda uga baxay, balse Aftenposten ayaa soo bandhigtay cadeymo ku saabsan inuu Oslo ku sugnaa, xiliga uu lacagta ku qaadanayay inuu safar ku maqnaa.

Keshvari oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan ayaa kamid ahaa xubnaha ugu hadalka adag xisbiga Frp, marka laga hadlayo arimaha soo galootiga.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments