Gudoomiyaha KRF oo u muuqdo mid ku guuldareystay ku qancinta xisbigiisa ridista xukuumada Solberg

0
187
Gudoomiyaha KRF:Knut Arild Hareide

Gudoomiyaha xisbiga Krf, Knut Arild ayaa afar isbuuc kahor warbaahinta ka sheegay hadal gilgilay saaxada siyaasada Norway, kaas oo ahaa inuu rabo inay wada shaqeyn la sameeyaan xisbiyada garabka bidix ee Ap iyo Sp, ayna ridaan xukuumada hada Norway ka taliso oo ay hogaamiso reysulwasaare Erna Solberg.

Knut ayaa xiligaas sheegay in isagu shaqsi ahaan uu arintaas soo jeedinayo, uuna rajeynayo in xubnaha kale ee xisbigiisa ay la fahmaan, lana qaataan go´aankaas. Waxaana isla markiiba go´aankaas kasoo horjeestay labada ku xigeen ee xisbiga Krf, Wixii intaas ka danbeeyayna waxaa bilowday loolan ka dhaxeeyo xubnaha xisbiga Krf, kuna saabsan inay tuuraan xukuumada Solberg iyo inkale.

Xisbiga Krf ayaa maalinta jimcaha ah ee isbuucan isugu imaanayo shir weynihiisa qaran, waxaana ay halkaas ugu danbeyn ku go´aamin doonaan inay talada ka tuuraan xukuumada Solberg iyo inkale. Waxaana shirweynaha qaran ee xisbiga ka qeybgalayo wufuud ka socdo gobolada, kuwaas oo ay soo xusheen laamaha xisbiga ee gobolada.

Isbuucyadii ugu danbeeyay wuxuu tartan adag oo gudaha xisbiga Krf ah ka taagnaa sidii loogala badsan lahaa xubnaha aaminsan in lala shaqeeyo garabka bidix iyo kuwa aaminsan in lala shaqeeyo garabka midix ee xukuumada Erna Solberg. Gudoomiyaha xisbiga, Knut Arild oo lahaa soo jeedinta in lala shaqeeyo Ap, ayaa loola adag ugu jiray inuu hanto quluubta wufuuda ugu badan ee loo soo dirayo shirweynaha qaran, si uu u meelmariyo go´aankiisa.

Inkasta oo wali aan cod loo qaadin soo jeedinta gudoomiyaha Krf ee ah in la tuuro xukuumada Erna Solberg, lalana shaqeeyo xisbiyada Ap iyo Sp, hadana waxaa muuqato in wufuuda ugu badan ee loo diray shirweynaha qaran ay rabaan in Krf uu kasii mid ahaado garabka midig ee siyaasasada Norway. Waxaana muuqato in gudoomiyaha Krf uu ku guuldareystay ka dhaadhicinta xisbigiisa inay la shaqeeyaan garabka bidix ee xisbiga Ap.

Sida loo badinayo, hadii uu Knut Arild ku guuldareysto inuu meelmariyo soo jeedintiisa, wuxuu ka qasbanaan doonaa inuu baneeyo kursiga gudoomiyanada xisbiga.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments