Erna Solberg maxey ka tiri kiiska fadeexada Keshvari

0
171

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg oo ku sugan dalka Belgiumka ayaa warbaahintu wax ka weydiisay kiiska fadeexada ah ee soo wajahay Mezyar Keshvari oo ah xubin katirsan baarlamaanka dalkan Norway, kama mid ah xisbiga Frp.

Solberg ayaa sheegtay in iyadu ay tahay madaxa golaha fulinta ama xukuumada, arintana ay tahay mid u taalo golaha sharci dajinta. Solberg ayaa raacisay in Keshvari iyo baarlamaanku ay tahay inay arintan ka shaqeeyaan. Waxeyna raacisay ineysan fileyn in arintan ay ka turjumeyso siyaasada guud ee xisbi, balse tahay mid shaqsiyeed.

Dhanka kale gudoomiyaha xisbiga uu Keshvari katirsanyahay ee Frp ayaa sheegtay in arintan ay cawaaqib u keeni doonto Keshvari oo mar ahaa afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbigeeda. Kana mid ahaa dadka ugu hadalka adag xisbiga Frp, marka laga hadlayo arimaha soo galootiga.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments