TV2: Mahad Abiib oo lagu soo celiyay Norway

0
168
Mahad Abiib Foto: NorSom News

Sida uu soo tabiyay muuqaal-baahiyaha TV2, Mahad Abiib ayaa isniintii shaley aheyd lagu soo celiyay dalkan Norway, isaga oo laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha magaalada Oslo ee Gardermoen.

Mahad ayaa bishii October ee sanadkii hore ka tagay dalkan Norway, wuxuuna magangalyo weydiistay dalka Iceland. Dowlada Iceland ayaa diiday codsiga magangalyada Mahad, iyada oo maxkamadna ay diiday racfaankii uu Abiib ka qaatay diidmada magangalyada dowlada Iceland.

TV2 ayaa qoray in booliska Norway, qeybtooda ka shaqeeyo howlaha soo galootiga ee loo yaqaan PU, ay mahad uga hortageen garoonka diyaaradaha Gardermoen, ayna ka qaadeen wareysi socday mudo labo saacadood ah. Sidoo kale ay baaritaan ku sameeyeen moobilkiisa gacanta, laabtoop uu watay, ayna ka qaadeen dhiiga loo yaqaan DNA-ga.

Abiib ayaa TV2 u sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu dib ugu soo noqday Norway, uuna u dagaalami doono sidii uu ugu guuleysan lahaa inuu soo ceshto baasaboorkiisa iyo aqoonsigiisa.

Dhageysiga maxkamada racfaanka Mahad ayaa bisha October 15-keeda ka bilaaban doonto maxkamada darajada labaad ee Oslo. Waxeyna socon doontaa mudo hal isbuuc ah. TV2 ayaa qoray in labada dhinac ee kiiskan isaga soo horjeedo ay dhageysiga maxkamada hor keeni doonaan ilaa 10 markhaatiyaal ah.

Xigasho/kilde: TV2

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments