Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Kofi Annan oo geeriyooday

0
121

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Kofi Annan ayaa geeriyooday, isagoo da’diisa aheyd 80 jir. Kofi Annan oo ahaa Diblomaasi u dhashay dalka Ghana ayaa xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey hayay sanadihii 1997 illaa 2006.

Geeridiisa ayaa la shaaciyay goor dhoweyd, kaddib muddo kooban oo uu xanuunsan, waxaa uu ku geeriyooday dalka Switzerland.

Kofi Annan ayaa noqday ninkii u horeeyay ee Afrikaan Madow ah oo qabta darajada ugu sameysa diblomaasiyadda Adduunka ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey.

Waxaa uu horay ugu guuleystay abaal marinta caalamiga ee Nobel dhanka bani’aadanimada.

Kofi Annan ayaa xilli soo noqday Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey arrimaha Suuriya, isagoo hoggaaninayay dadaalada nabadeed ee dalka loogu raadinaya colaada Suuriya.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments