fredag, april 26, 2024

Xisbiga Ap: 40% gudiga maamulka goobaha cibaadada, waa inay noqdaan haween, si ay dhaqaale u helaan

Wasiirka cadaalada Norway, Tor M. Wara ayaa dhawaan sheegay inuu rabo in gabi ahaanba la joojiyo taageerada dhaqaale oo ay dowladu siiso xarumaha cibaadada dadka muslimiinta ah. Isaga oo raaciyay in xisbiga uu katirsanyahay ee Frp ay arintaas la qabaan, barnaamijkooda siyaasadeedna ay ku qeexantahay.

Ap: Waa in 40% ay haweenku noqdaan gudiga maamulka

Gudoomiyaha gudiga maamulka degmada Oslo, Reymond Johnson oo kamid ah siyaasiyiinta muga ku dhex leh xisbiga Ap, ayaa dhankiisa sheegay in xisbigiisu uu rabo in 40% gudiga maamulka xarumaha cibaadadu ay noqdaan haween, si ay u helaan taageerada dhaqaale ee dowlada. Wuxuuna raaciyay in la joogo xili shuruud la hordhigi lahaa xarumaha cibaadada, oo uu sheegay inay kamid yihiin goobaha bulshadu ay ku kulanto, kana qeybqaadan karo isdhexgalka iyo isku soo dhaweynta bulshada.

Reymond ayaa sidoo kale raaciyay in xisbigiisu uu baarlamaanka geeyay mooshin ku saabsan in shuruuda 40% kamid noqoshada haweenka ee goobaha cibaadada ay geeyeen, baarlamaanka, balse ay kasoo horjeesteen xisbiyada Høyre iyo Frp.

Gudoomiyaha gudiga maamulka Oslo ayaa qabo in goobaha cibaadadu ay yihiin goobo isdhexgalka bulshada saameyn ku leh, muhiimna ay tahay in lagu xiro ka qeybqaadashada haweenka ee maamulka xarumaha cibaadada.

Xigasho/kilde: Dagsavisen.no

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x