Wasiirkii hore ee arimaha dibadda UK oo diiday inuu raali-galin ka bixiyo hadal ka careysiiyay muslimiin badan

0
181

Wasiirkii hore ee arimaha dibada dalka Ingiriiska, Boris Johnsen ayaa diiday inuu raali-galin ka bixiyo ereyo uu ka yiri dumarka muslimiinta ah ee indho-shareerka xirto, kuwaas ooo ka careysiiyay muslimiin badan. Boris ayaa sheegay in dumarka indho-shareerka xirta ay u egyihiin «sanduuq», ayna muuqaal ahaan u egyihiin dadka bangiyada dhaca.

Reysulwasaaraha UK,Theresa May iyo madaxda xisbiga uu katirsanyahay Boris ee Conservative ayaa dhaleeceyn u jeediyay wasiirkii hore ee arimaha dalka UK, waxeyna cadaadis ku saarayeen inuu raali-galin bixiyo.

Xisbiyada mucaaradka, ayaa iyaga dhankooda cambaareeyey hadalka Boris Johnsen, waxeyna sheegeen inuu sii hurin karo cadaawad ka dhan ah muslimiinta ku dhaqan dalkaas.

Boris ayaa dhankiisa ku adkeystay inuusan raali-galin bixin doonin, isaga oo sheegay inuu qaabdaro tahay, hadii uu raali-galin ka bixiyo hadal uu horey u sheegay, oo isagu uu aaminsanyahay ineysan kujirin wax la dhibsado.

Xigasho/kilde: Politiken.dk

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments