Foto: Jens Mjaugedal

Maqaal aan cinwaan uga dhigay «Ikke alt kan straffes bort» ama af-soomaali ahaan  «wax walba ciqaab laguma xalin karo» ayaan maalintii shaley aheyd kusoo daabacay wargeyska Bergens Tidende. Halkan ka akhri maqaalkan oo af-norwiiji ku qoran.


Waxaa mudda kabadan sanad iyo bar  warbaahinta Norway aad u hadal haysay carruur soomaaliyeed oo sheegay in loo celshay Soomaaliya si loo dhaqan celiyo.

Carruurtaan waxay shegeen in ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo  jir iyo maskax dil isugu jira. Arintan waxay sabab u noqotay in aad looga doodo qodobkan wadanka Norway oo dhan,  waxaana la filayay in dowladu ay la timaado falcelin sax ah oo arrintaas ku saabsan.

Bishii April ee sanadkan 2018 ayaa 3 xildhibaan oo ka mida xibiyada talada haya soo jeediyeen in la ciqaabo waalidiinta caruurtooda dibada la’aada si ay u soo dhaqan celshaan. Xildhibaanadu waxay soo jeediyeen dhowr arrimood oo lagu ciqaabi karo walidiinta, sida in laga jaro kaalmada dhaqaale ee waalidka lagu siiyo caruurta, ama in xitaa xabsi ay muteysan karaan.

Shaqsiyan waxaan aamin sanahay in arrintaan ay ubahan tahay in xalal kalena laraadiyo oo aan lagu ekeen ciqaabta waalidiinta. Sababtoo ah ciqaab waalidiinta la saaro xal makeneyso haddii aan la wajihin ama laxalin dhibaatooyinka keenay in carruurta loo wado dhaqan celis.

Waxaa aad u haboon in la sameeyo wacyigelin iyo talosiin waalidiinta ku wajahan. Waxaan qibrad uleenahay, aragnayna in hadii waalidiinta lala shaqeeyo, la xalin karo dhibaatooyin farabadan.

Waxaan tusaale u sooqadan karnaa magaalada Bergen oo laga bilaabay wadashaqeyn u dhexeysa Masjidka Bergen iyo hay’adda daryeelka ubadka. Waxaan aragnay natiijooyin lataaban karo. Waalidiintii iyo iyo hey’addiina waxaa dhexmaray wada shaqeyn wanaagsan.

Bergen oo kaliya ma ahan waxaa jira magaalooyin kale oo shaqadaan midlamida laga qabtay. Waxaa aad loo isticmalaa barnaamishka caalamiga ah ee International Child Development Programme (ICDP) kuna saabasan wanajinta xariirka u dhexeeya barbaariyaha iyo ubadaka. Waxaa iyaduna muhiima in haddii qof la ciqaabayo ay noqoto gaar si qof qalad gashay loo ciqaabo, laakiin ciqaab guud xal ma keeni karto, sida aan aaminsanahay.

Halkan kasii akhri maqaalkan iyo wargeyska Bergenstidende

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of