Tromsø: Shukri Ahmed oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee xijaab xiran oo Taxi ku kaxeysa woqooyiga dalka Norway

0
203
Foto: MCD-SNTV

Shukri Ahmed oo ah gabar dhalinyaro soomaali ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay oo iyadoo xijaaban Taxi ku kaxeysa Woqooyiga dalkan Norway. Shukri ayaa dhawaan u shaqo bilowday shirkada tagaasida Din Taxi ee magaalada Tromsø.

Shukri ayaa sheegtay in shaqadan ay tahay mid ay ku fakareysay in mudo ah, ayna rabto inay dhiirigalin u noqoto dumarka soomaaliyeed, si ay qeyb uga noqdaan suuqa shaqada Norway, ayna u gaaraan isku filnaansho dhaqaale. Waxeyna Shukri sheegtay inay aaminsantahay in dumarka soomaaliyeed ay leeyihiin karti iyo awood ay ku qaban karaan shaqooyin badan, ayna u baahanyihiin dhiirigalin iyo tusaaleyaal Muuqdo.

Shaqada wadada tagsiga ayaa ah mid kamid ah shaqooyinka ugu badan oo ay ka shaqeeyaan soomaalida kunool dalkan Norway. Horey waxaa shaqadan inta badan uga muuqday raga soomaalida ah, balse sanadihii ugu danbeeyay waxaa soo badanayay tirada dumarka soomaalida ah ee ka shaqeeya kaxeynta tagaasida magaalooyinka waaweyn ee Norway.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments