SFRN: Hey´adda barnevernka oo raadinaya waalidiin soomaaliyeed oo la wareegi kara xanaanada caruur soomaali ah

0
151

Somalisk Familieråd i Norge waa dalad dhawaan la aas-aasay oo ka shaqeysa xal u helida iyo ka talo-bixinta dhibaatooyinka qoysaska soomaalida ah ka heysta  nolosha iyo la qabsiga hab-dhaqan nololeedka dalkan Norway. Gaar ahaana isfahanwaaga ka garab taagan qoysaska soomaalida ah iyo hey´adda xanaanada caruurta Norway ee barnevernka loo yaqaan.

Sida ay masuuliyiinta daladan dhawaan ku shaaciyeen qoraalo iyo muuqaalo ay soo dhigeen bartooda Facebooga, hey´adda daryeelka caruurta ee loo yaqaan barnevernka oo xiriir lasoo sameysay dalada SFRN, ayaa raadineyso qoysas soomaali ah, kuwaas oo la wareega xanaanada caruur soomaali ah.

Masuuliyiinta daladan ayaa soomaalida Norway ka codsanayo inay lasoo xiriiraan waalidka soomaalida ah ee daneynaya inay noqdaan waalid la wareega xanaanada caruur soomaali ah. Wixii faah-faahin oo arintan ku saabsan ka daalaco sawirka hoose, kalana xiriir numberada hoos ku qoran.

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments